​Garowe: Arday dhibco sare keenay oo la abaalmariyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 30 July, 2016 kulan soo dhoweyn iyo dhiirri gelin ah u sameeyay 13-kii arday ee ugu sarreeyey imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare Puntland sannad dugsiyeedkii 2015-2016.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta madaxtooyada magaalada Garowe, ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare, ku-xigeenkiisa, wasiir ku-xigeenka Maaliyadda iyo Ugaas Maxamuud Cabdiqaadir Shoole oo qayb libaax ka qaatay abaalmarinta Ardayda.

Madasha ayaa sidoo kale lagu casuumay maamulayaasha Ardayda dhibcaha sare keenay kuwaasoo la guddoonsiiyay Shahaadooyin, billado iyo qadarro kala duwan oo lacag ah.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Prof. Abshir Aw Yuusuf Ciise oo hadal dar-daaran u badan u jeediyay Ardayda ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay guulaha ay gaareen, wuxuuna ugu baaqay inay sii wataan waxbarashadooda.

Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ardaygii ugu sarreeyey dugsiyada sare ee Puntland guddoon-siiyey abaal marin ah  gaari  nooca loo yaqaan NOAH ama (NOOHO), billad iyo qadar lacag ah isagoo ka codsaday inuu dadaalka sii wado.

Abaalmarintan ayuu ku sifeeyay madaxweynuhu mid kor loogu qaadayo niyadda Ardayda islamarkaana lagu doonayo inay ku dhiiradaan tacliinta.

Waxaa loo ballanqaaday inay helayaan deeqo waxbarasho oo dalka dibaddiisa ah, waxaana dhalinyaradan isugu jireen wiilal iyo gabdho.

Dhawaan ayay ahayd markii la shaaciyay imtixaanka dugsiyada sare Puntland iyo kaalmaha ay kala galeen Ardayda iyo dugsiyada sare.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM