Garowe: beelo horay u dagaalamey oo heshiis kala saxiixdey

Image
Image
Image
Image
Image
Image

March 2, 2015 GO)- Labo beelood oo walaalo ah oo horay ugu dagaalamay gobollada Bari iyo Karkaar ayaa maanta heshiis ku kala saxiixdey magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Kulanka lagu saxiixayey heshiiska oo ka dhacay xarunta hay'adda cilmi baarista Puntland ee PDRC waxaa kasoo qayb galay Madaxwane ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Camey, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno, isimmo, culimaa'uddiin iyo ergooyin ka socday beelaha Cali Saleebaan iyo Ugaar Saleebaan.

Qodobada heshiiskaasi dhigayo oo tiradoodu tahay toban qodob waxay u qornaayeen sidan:

  1. In lasoo ajfaray colaaddii iyo dakanadii mudada dheer soo jiitamaysay.
  2.  Inay labada beelood ku wada noolaadaan nabad iyaga iyo ood wadaagooda.
  3. Inay labada dhinac ka wada shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa midnimo.
  4.  In qoladii jabisa heshiiska dowlad iyo shacab la isugu tago.
  5. Waxaa loogu baaqayaa labada dhinac inay nabadda qaataan iskuna cafiyaan Alle dartiis.
  6. Waxaa loogu baaqayaa labada beelood inay si wadajir rabitaankooda ku gaaraan.
  7. Dowladda Puntland waxaa loogu baaqayaa inay gudato waajibaadkeeda qaran si daacad ah ayna meelmariyaan go'aanada ay guddigu gaareen.
  8. Waxaa loogu baaqayaa hal-doorka labada dhinac inay isu garabsadaan ilaalinta iyo sixidda wixii qaldamay.
  9. Go'aanada laga gaaray wada xaajoodka waxaa looga dhawaaqi doonaa deegaanka Kodmo ee gobolka Karkaar.
  10. Wajiga labaad ee shirkaan wuxuu ka dhici doonaa Kodmo.

Heshiisyo badan oo labada beelood horay u gaareen ayaa burburey kadib markii colaaddu dib mar kale usoo cusboonaatey, balse guddiga dhex-dhexaadinta ee heshiiska maanta la saxiixey kasoo shaqeeyey ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey iyagoo sheegay inuu yahay mid kuwii hore wax badan ka duwan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM