Garowe: booliska oo sameeyey hawlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo

Image

November 25, 2014  (GO)- Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal oo u waramay Radio Garowe ayaa ka warbixiyey hawlgalo amniga lagu adkaynayo oo boolisku ka sameeyeen magaalo madaxda Puntland Garowe.

G/sare Axmed Cabdilaahi Samatar (Layli) ayaa sheegay in hawgalladaas lagu soo qabqabtey toabanaan dhallinyaro ah oo falal ammaanka liddi ku ah magaalada ka wadey kuwaasoo xilliyada qaar iyagoo kooxo ah dagaalama.

Dhanka kale Taliyaha Booliska Nugaal ayaa sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameyn doono xarumaha ciidanka booliska gobolka Nugaal islamarkaana la tayeyn doono hoggaanka ciidamada.

Dhanka kale taliyaha ayaa dhalinyarada ku booriyey inay ammaanka kala shaqeeyaan ciidamada nabadgelyada isagoo intaas raaciyey inay soo dhawaynayaan dhalinyarada hadii ay doonayaan inay ciidamada kusoo biiraan.

Ugu dambayntii Axmed Cabdilaahi Samatar ayaa sheegay in awaamiir laga soo saaray gaadiid ku xaraysan xarunta taliska booliska isagoo ugu baaqay dadka gaadiidkaas iska leh inay sida ugu dhaqsaha badan halkaas ugala baxaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM