Garowe: Jid loogu magac daray Prof. Jimcaale oo xariga laga jaray

Image
Image
Image
Image

January 3, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xariga ka jaray mid kamid ah wadooyinka magaalada Garowe oo laami laga dhigay looguna magac daray AHN  Prof. Cabdi Xasan Jimcaale oo ahaa wasiiru dowlihii hore ee Dastuurka iyo arimaha Federaalka ee Puntland.

Wadada maanta Madaxweynuhu furay oo dhererkeedu yahay 1,100m waxaa mashruuca lagu dhisay maalgalisay hay’adda TIS-DAI oo la kaashanaysay hay’adda kaalmada maraykanka ( USAID) waxaana fulisey shidkad wadani ah oo lagu magacaabo Puntland Construction Company PCC.

Gaas oo munaasabadii furitaanka si kooban uga hadlay wuxuu lagama maarmaan ku tilmaamay dhismaha jidadka oo halbowle u ah koboca dhaqaalaha, isu socodka dadka iyo gaadiida; iyo weliba kor u qaadista bilicda caasimada.

"waa muhim in dalka meel walba laga hirgeliyo waddooyin noocaan oo kale ah maadaama ay  muhiim noo yihiin meel kasta hala joogo magaalo iyo miyiba...waa bilic u soo korortay caasimada Puntland ee Garowe,  waana lagama maarmaan in la ilaaliyo wadadaan lagana dhowro wax kasta oo waxyeelo u gaysanaya" Gaas ayaa sidaas yiri.

Duqa Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor oo isna goobta ka hadlay ayaa bulshada ugu baaqay inay ilaashadaan jidadka oo ah hanti dadka oo dhan ka dhexeysa si guudna loogu wada manaafacaadsanayo.

Jidka maanta la furay oo dhismihiisa la bilaabay July 31, 2014 wuxuu kamid yahay todoba jid oo sanadkii hore laga hirgeliyey magaalooyinka waaweyn ee Puntland gaar ahaan: Garowe, Bosaso, Qardho iyo Galkacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM