Garowe: kulan looga hadlay amniga iyo saameynta maamulka Cadaado

Image
Image

July 4, 2015 (GO)- Xilli maaanta degamda Cadaado lagu doortay madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka lagu muransan yahay ee gobollda dhexe, ayaa waxaa isla maanta Garowe ka dhacay shir looga arrinsanayey saameynta dhanka ammaanka ee maamulkaasi ku yeelan karo Puntland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaradda Amniga Puntland ee Garowe, waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ay kamid yahay Wasiirka Amniga Cabdi Xirsi Cali Qarjab, Taliyaha Booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf, Taliyaha Booliska Nugaal Axmed Cabullaahi Samatar (Layli), Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamuud Qodhob iyo Duqa Garowe Axmed Siciid Shoode.

Qodobadii kulanka diiradda lagu saaray waxaa ugu muhiimsanaa in Puntland feejignaan dheeri ah ka qabto xaaladda siyaasadeed ee gobollada dhexe iyo saameynta maamulkaasi ku yeelan doono amniga gobolka Mudug.

Ugu dambeyntii, waxaa laysku raacay in dadka iyo Dowladda Puntland u midoobaan ilaalinta midnimadooda islamarkaana meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo isku dayda inay waxyeelayso Puntland.

Dowladda Puntland ayaa horay u sheegtay inaysan u dulqaadan doonin cid kasta oo isku dayda inay kusoo xad gudubto xuduudaheeda.

Waxaa xusid mudan in dastuurka maamulka Galmudug dhigayo in xuduudkiisa dhanka waqooyigu ku egyahay gobolka Nugaal, arrintaas caro weyn ka dhalisay gudaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM