Garowe: Madaxweynaha PL oo qaabiley wafdi Maraykan ah

Image

January 28, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay shalay gelinkii danbe wafti socday safaarada maraykanka ee soomaaliya iyo Hay'adda USAID.

Wafdigann oo si weyn Garowe  loogu soo dhaweeyey ayaa u yimi ka qeybgalka shirka hiigsiga cusub ee soomaaliya iyo in ay kulamo la qaataan wasaaradaha iyo hay'addaha Puntland si ay dawladda Puntland uga taageeraan mashaariicda dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo haweenka.

Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta hay'adda USAID ku dhiirigeliyey inay kaalin lixaadleh ka qaataan taakuleynta shacabka reer Puntland si simana ay u gaarsiiyaan guud ahaan gobolada Puntland adeegyada bulshada ee ay bixinayaan.

Waftiga ka socday safaarada Maraykanka ee soomaaliya iyo sidookale Hay'adda US-AID ayaa dhankooda sheegay in ay ka go'antahay dardargelinta xiriirka Puntland iyo Maraykanka iyo weliba baahinta mashaariicda horumarineed ee ay Puntland ugu talagaleen.

Kulankaasi intii uu socey, wuxuu sidoo kale Madaxweyne Gaas warbixin kooban ku siyey wafdiga, isagoo ka waramay waxqabadka dawaldda Puntland iyo qorshaheeda sanadka 2015 ee ku aadan dhinacyada ammaanka, horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha.

Gebagebadii Madaxweynaha Puntland wuxuu uga mahadceliyey xubnaha wafdiga booqashada ay ku yimaadeen Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM