Garowe: maxkamadda Nugaal oo dambi ku weydey Radio Sahan

Image

August 17, 2015 (GO)- Maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa wax dembi ah ku weydey Radio Sahan oo ah idaacad maxalli ah oo ku taal magaalada Garowe.

Dowladda ayaa August 12, 2015 kusoo eedeysey Radio Sahan  warbixin ay ka qoreen sababaha keenay in uu baaqdo dabbaal degggii xuska Kowda Agoosto ee lagu qaban jirey Barxadda Garowe.

Eedeymaha Wasaaraddu usoo jeedisey Radio Sahan ayaa kala ahaa sidan:

  •  In dowlada Puntland dhaqaale daro soo food saartey taasna ay keentey in munaasabada 1 August baaqato 
  • In madaxtooyada Puntland ku baxo kharash farabadan 
  • In kharash badan lagu soo kireeyey fanaaniin ka qayb gala xuska munaasabada 1 August.
  • In kooxda Al-shabaab raadineyso fursado ay ku weerarto degaanada Puntland. 

Guddoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay in Radio Sahan wax dembi ah lagu waayey, eedeymaha loo soo jeediyeyna ahaayeen kuwo aan lagu tilmaami karin fal-dambiyeed.

Ururuka Saxafiyiinta Puntland ee MAP ayaa soo dhoweeyey go'aanka maxkamadda, iyagoo ku tilmaamay tallaabo sharci ah oo loo qaadey dhanka wanaagsan.

Waa markii ugu horreysey taariikhda Puntland ee dowladdu maxkamad la tiigsato warbaahin madax bannaan, arrintaas oo dadku aragtiyo kala duwan ka bixiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM