​GAROWE: Olole caafimaad oo laga sameeyay Kaamka Shabeelle

Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda caafimaadka Puntland, ayaa maanta howlgalisay kooxo adeegyo caafimaadka ka fulinaya Kaamka Shabeelle oo ku yaalla magaalada Garowe, halkaasoo ay ku nool yihiin dad-barakacayaal ah oo dhawaan lasoo daristay xaalad caafimaad darro sababtay geerida in kabadan 12 ruux.

Ololahan, ayaa isugu jiray daweyn iyo wacyigalin ku aadan in laga hortago waxyaabaha keeni kara caafimaad darrada.

Barnaamijkan, ayaa waxaa hormuud  u ahaa wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Cismaan Cuuke, kaasoo mid mid ugu tagay dadka bukaanka ah iyo guryahooda halkaas oo dadka ku booriyay inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara fayo-dhowr la'aan.

Kormeer kadib wasiir Cuuke, ayaa shacabka ku nool Kaamkaas ugu baaqay inay ilaaliyaan nadaafadda islamarkaana booqdaan goobaha caafimaadka, isagoo xusay in dhibaatada ka dhacday halkaas sabab u ahayd dhaliil katimid dhinaca bulshada oo aan ku xirnayn goobaha lagu dabiibo bukaanka.

Daqaatiirta wada daweynta iyo ardayda caafimaadka ka barata magaalada Garowe oo dadaalkan wax ka waday ayuu uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay ugu shaqaynayaan shacabka islamarkaana u buuxinayaan waajibaadkii laga rabay.

Dadka ku nool Kaamka Shabeelle ayaa wasiir Cuuke ku adkeeyay inay ka taxadaraad nadaafad xumada baahsan ee dhalin karta cudurrada kala duwan kuwaas oo mararka qaybtood isu badali karta halis ku faafta bulshada.

Qaar kamid ah dadka barakacayaasha ah ayaa ka mahad-celiyay dadaalka wasaaradda, waxayna sheegeen in xaruntooda caafimaad laga dhigay mid tan iyo xalay shaqaynaysay islamarkaana ay geeyeen bukaano kala duwan.

Ololahan ayaa socon doono muddo dhowr maalmood ah, waxaana qayb ka ah degmada Garowe iyadoo kormeerkii maanta goob joog ka ahaayeen maamulka caasumadda Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM