​Garowe oo 1035 geed lagu beerayo

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Dowladda hoose ee degmada Garowe iyo hay'adda Care International ayaa maanta si wadajir ah u daah-furay mashruuc cusub oo lagu dhiraynayo magaalo madaxda Puntland.

Mashruucan oo ay fulin doonto Care, ayaa waxaa lagu beeri doona 1035 geed sida ay sheegeen mas'uuliyiin  katirsan dowladda hoose.

Barnaamijkan ayaa loogu talo galay in kor loogu qaado bilicda caasumadda iyadoo dhirayn lagu samayn doono waddooyinka laamiga ah ee magaalada dhex-mara.

Goobta daah-furka oo ay joogeen mas'uuliyiin katirsan labada dhinac waxay ku ballan-qaadeen inay ka dhabayn doonaan sidii magaalada looga dhigi lahaa mid soo jiidata indhaha dadka.

Sarkaal katirsan hay'adda Care, ayaa warbaahinta furitaankii mashruucan u sheegay inay taageero siinayaan dowladda hoose isagoo ka codsaday shacabka Garowe inay ka qayb qaataan sidii dhirtan u noqon lahay mid baxda oo gaarta yoolkii loo beeray.

Duqa Garowe Xasan Maxamed Ciise Goodir, ayaa ka mahad-celiyay taageerada lasiiyay isagoo cadeeyay in caasumadda Puntland u baahnayd in dhirayn lagu sameeyo islamarkaana bilicdeeda la mid noqotO caasumadda hor-maray.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda deegaanka Puntland oo barnaamijkan xarigga ka jaray ayaa sheegay in dhirta oo beeristeeda la badiyo ka qayb qaadanayso sidii hormar looga samayn lahaa arrimaha ilaalinta deegaanka iyo yaraynta wasakhowga hawada isagoo ku baaqay in laga dhabeeyo sidii mashruucan u hir-gali lahaa.

Magaalada Garowe oo muddooyinkii dambe hormar dhinaca dhismaha iyo waddooyinka samaynaysay ayaa safka hore kaga jirta degmooyinka ay yar-yihiin dhirta ku dhex-beeran, waxaana barnaamijkan yimid kadib markii dhalinyaro iskood isu xilqaantay sannadkii hore sameeyeen barnaamijka ay ugu magac dareen "Hal Qof iyo Geed" kaasoo lagu beeray 30 geed mid kamid ah waddooyinka hal-bowlaha ah ee dhexmarta caasumadda Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM