Garowe oo la gaarsiiyey shaqaale markab la caaryey Dhageyso]

Image

07 August, 2017 (GO)- Xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal waxaa shalay ku soo caariyey Markab ay leedahay shirkad kuwa kalluumaysiga ah oo laga leeyahay dalka Yeman lana yiraahdo Burun seafood Company.

Maamulka degmada iyo ciidamada PMFayaa maalintii shalay u gurmaday badbaadinta markabkaas,  iyagoo soo gaarsiiyay 34 ka tirsan shaqaalaha magaalada Eyl.

Markabkan oo ku gooshayey calanka Kuuriyada Woqooyi waxaa saarnaa 34 shaqaale ah oo u kala dhashay Indonesia, Kenya, Yemen iyo Vietname, sida uu Radio Garowe u sheegay Gudoomiyaha degmadda Eyl Muuse Cismaan.

Muuse Cismaan ayaa sheegay gabi ahaanba soo badbaadiyeen dhamaan dadkii saarnaa markabkaas oo la yiraahdo Al-Amal ugu dabayntii loo soo gudbiyay magaalada madaxda Puntland ee Garowe.

Maraakiibta sida sharci darada uga Kaluumeysta xeebaha Puntland ayaa mararka qaarkood kusoo caaryaya degaamadaas halka kuwa kale oo sharci ka haysta wasaarada kaluumeysiga balse aysan saarneyn saraakiil ka tirsan hay'dahaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM