Garowe oo lagu mataaneeyay magaalo ku taal Turkiga

Image

November 6, 2014 (GO)-Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa lagu mataaneeyay magaalo la yiraahdo Gebse oo ku taala wadanka Turkiga.

Maayarka Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) oo shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay howshaan inay soo bilaabatay 25-ka bishii 6-aad 2012 wixii intaasi ka danbeeyayna ay wadeen dadaaladdii lagu dhaqaajin lahaa wada shaqaynta labada dhinac.

Koor ayaa tilmaamay inay ahmiyad ballaaran ugu jirto isku xirka labadaasi magaalo ayna wax weyn ka faa'iido doonaan oo ku aadan waayo aragnimadda, dhaqanka, iyo kor u qaadista bilicda iyo kaabayaasha dhaqaalaha Caasumadda.

Waxa uu ka dhawaajiyay dhowaan inay qorshaynayaan inay safar ku aadan wadanka Turkiga kaasoo salka ku hayo sidii loo bilaabi lahaa wada shaqeynta.

Docda kale Cabdi Nuur ayaa soo dhaweeyay mataaneynta Bosaso iyo Minnepolis wuxuna ku tilmaamay inay tahay hormar iyo faa'iidooyin usoo hoyday Puntland.

Barnaamijka Rayiga Dadweynaha ee Radio Garowe oo maalinkii shalay qodobkan lagu soo qaatay ayaa dadkii ka qayb galay waxay soo dhaweeyeen in magaalooyinka Puntland lagu mataaneeyo magaalooyinka caalamiga ah ee wax laga faa'iidayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM