Garowe oo lagu qabtey dood ku saabsan xalinta caqabadaha garsoorka

Image
Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa soo agaasimay munaasabadan oo lagu beegay Maalinta Xuquuqda Aadanaha.

GAROWE, Puntland - Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ku qabtay dood kusaabsan xuska maalinta xaquuqda Aadanaha taas oo lagu iftimanaayey caqabadaha jira ee dhanka xaquuqda bulshadda an codka lahayn iyo siddi lagu xallin karoo dhibaatooyinka garsoorka iyo u sinnaanta bulshadda ee shaqooyinka, Xilalka iyo adeeggyada garsoorka.

Daahfurka doodda waxaa ka qaybgalay mas'uuliyin ka tirsan xukumadda Puntland, ururada bulshada rayidka ah, ardayda jaamacaddaha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana shirka furay wasiirka wasaradda caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahab Axmed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamed Ciise Cismaan oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ilaalinta xuquuqda aadanaha, xorriyadda hadalka iyo doorka ay wasaaradiisu ka qaadato u qareemidda suxufiyiinta iyo awoodsiintooda xaq helidda xogta.

Wasiirka wasaradda caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahab Axmed oo madasha furay waxa uu ku dheeraday taariikha 10 dec, heerka caddaaladeed ee Puntland, dhowrista xuquuqd aadanaha iyo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhacaya guud ahaan Soomaaliya.

Intaas kadib waxaa la gudagalay dood ku saabsan mawduuca barnaamijka oo ay ka qaybgaleen xubno ka socda ciidanka Booliska Puntland, ururada bulshada rayidka ah, xafiiska xuquuqul insaanka Puntland, wasaaradda haweenka PL iyo xubin ka socota SJS oo matalaysay doorka warbaahinta, waxaana goobta lagu waydiiyey su'aalo kala duwan iyadoona ka qaybgalayaashu dhiibteen aragtiyo su'aalana waydiiyeen ka qaybgalayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM