Garowe: shirka saddex-geesoodka ah oo saaka mar kale dib u furmay

Image

July 15, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa saaka mar kale dib uga bilowdey wada-xaajoodka u dhexeeya Dowladda Federaalka, Puntland iyo Jubaland.

Shirkan saddex-geesoodka ah ayaa habeennimadii xalay natiijo la'aan kusoo gaba gaboobey kadib markii qodobada qaar laysku mari waayey.

Qodobka muranka weyn dhaliyey ayaa ah in maamul loo sameyn karo hal gobol iyo bar iyo weliba meesha uu ku egyahay xuduudka kala qaybiya Puntland iyo maamulka dhowaan degmada Cadaado lagu soo dhisay.

Puntland ayaa si weyn uga soo horjeedda in maamul loo sameeyo wax ka yar labo gobol, arrintaas oo sida ay ku doodeyso xadgudub ku ah dastuurka dalka islamarkaana horseedi karta in maamullo badan oo sharci darro ahi sameysmaan.

Sidoo kale Puntland waxay dalbaneysaa in dib loogu noqdo dastuurka maamulka gobollada dhexe, kaasoo xilligan dhigaya in xuduudka waqooyi ee maamulkaasi ku eg yahay gobolka Nugaal.

Wixii warar ah oo kasoo kordha shirka saddex-geesoodka ah ee madaxtooyada Garowe ka socda, dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaaa...

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM