Garowe: tirada xildhibaannada mooshinka keenay oo korortey

Image

May 16, 2015 (GO)- Xildhibaanno cusub ayaa kusoo biirey kuwii dhowaan qoraalka usoo gudbiyey Guddoonka Baarlammaanka Puntland ee dalbanayey kal-fadhiga deg dega ah, labo maalmood kaddib markii guddiga joogtada ah ee baarlammaanku dalabkaas ku gacan sayrey.

Garowe Online ayaa xog hoose ku heshay in xildhibaannada mooshinka keenay 11 xildhibaan oo hor lihi kusoo biireen, waxayna taasi wadartooda guud xilligan ka dhigeysaa 26 xildhibaan.

Xildhibaannada qoraalka soo gudbiyey oo markii hore tiradoodu ahayd 21 xildhibaan waxay asbuucii lasoo dhaafay noqdeen 15  xildhibaan oo keliya kaddib markii lix kamid ahi tanaasuleen.

Mudaneyaasha dalbanaya kal-fadhiga deg deg ah oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Cabdicasiis Gacamey, waxay ku adkeysanayaan inaysan ka tanaasuli doonin go'aanka ay qaateen iyagoo sidoo kale sheegay inay jirto faro-gelin dhanka xukuumadda uga imaanysa.

Marka  la eego xeer hoosaadka Baarlammaanka Puntland, waxaa kal-fadhi deg deg ah dalban kara 17 xildhibaan, kalfadhigu haddii uu qabsoomo waxaa uu ku furmi karaa 44 xildhibaan, balse xildhibaanku kuma khasbana inuu xaadiro kal-fadhiga aan caadiga ahayn.

Sidoo kale,  waxaa mooshin keeni kara lix ‎xildhibaan waxaana laga doodi karaa marka ay 22 xildhibaan aqbalaan, kooramkuna waxaa uu ku buuxsami karaa 44 xildhibaan.

Wixii kasoo kordha wararka la xiriira arrintan kala soco Garowe Online...

Qoraal mooshin

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM