Gashaan oo ka hadley guddi dib u habeynta Shaqaalaha Puntland

Image

Dec 22,2014 [ GO]- Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa dhowaan guddi ka kooban Saddex xubnood u magacaabay sidii dib u habayn loogu samayn lahaa shaqaalaha Puntland.

Guddigan oo magaciisa la yiraahdo Guddiga farsamada iyo dib u habaynta shaqalaha Puntland ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo dowladdii hore ee Farole Wasiiru dowle kasoo noqday. Guddigan oo ah mid ka baxsan Wasaradda Shaqadda iyo Shaqalaha iyo Hay'adda Shaqalaha Rayidka ayaa diiradda saaraya sidii loo ogaan lahaa tiradda shaqalaha dowladda iyo aqoontooda inta ay gaarsiisan yahay.

Weriye Axmed Cawil Jaamac ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Gaashaan, ugu horeynna wuxuu wax ka weydiiyey shaqadda uu qabanayo guddigan xili shaqalaha dowlada qaarkood ka cabanayaan nidaamka shaqo iyo hab maamulka Wasaradda Shaqada iyo Shaqalaha.

Arimaha kale ee wax laga weydiiyey waxaa kamid ahaa isku qasnaan u sheegay inay ka dhex jirto wasaaradaha qaar taasoo ah sababta xilligan loo dhisay gudiga dib u habeynta shaqaalaha si shaqooyinka isku murugsan ee loo kala maareeyo.

Dhinaca kale Gaashaan ayaa sheegay Madaxwaynaha Puntland inuu magacaabay guddi kale oo Jaamacadda Bariga Africa ka socda kuwaasoo qaadaya Imtixaanka shaqalaha dowladda, taasoo saluug laga muujiyay.

Xiriir aanu la samaynay Wasaradda Shaqada iyo Shaqalaha Puntland ayaa noo suurta gali wayday inaan wax ka waydiino guddigadaan uu Madaxwayne Gaas magacaabay iyo siday ula socdaan, xili ay jiraan warar sheegaya inuu jiro kala aragti duwanaan arrintan ku saabsan.

Sidoo kale waxanu xiriir la samaynay Hay'adda Shaqalaha Rayidka ah balse masuulka ugu sareeya ee Hay'adaasi ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM