Gen. Jimcaale oo jawaab ka bixiyay baaqii nabadeed ee Odeyaasha Dhaqanka

Image

GAROWE, Soomaaliya - Taliyaha Ciidamada Danab ee Puntland Jaamac Takar ayaa ka hadlay kulan uu la qaatay xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ee Puntland, isaga oo u jawaabay baaqyo nabadeed oo ay odeyaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka ka jeediyeen magaalada Garowe.

General Jimcaale ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu difaaco Puntland sida uu waligiis ballan qaaday, isagoo carabka ku dhuftay in uu isagu matalo mucaaradka, mucaaradkuna ay isaga matalaan.

"Waan soo dhaweynaynaa baaqyada nabadeed, waxaana ku dhawaaqayaa in aano aqbalnay, isla markaana ma doonayno in Puntland la dumiyo, waana ilaalinaynaa oo aan badbaadinaynaa." ayuu ku daray.

General-ka ayaa carabka ku adkeeyay in uu ka shaqeyn doono sidii ay ku dhici laheyd doorasho ْXur & Xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda, kana fog damac shaqsiyadeed.

General Jimcaale ayaa ka mid ah taliyeyaasha Milateriga ee saameynta ku leh Puntland, waxa uuna diidan yahay in muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha dhawaan xilka ka sii dagaya ee Siciid Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM