Gen. Muxiyadiin iyo Col. Cabdiyare oo Garowe kusoo wajahan

Image

July 15, 2015 (GO)- Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse iyo Col. Cabdiyare ayaa lagu wadaa inay galabta magaalada Garowe soo gaaraan.

Labada sarkaal waxaa u yeeray Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweyne Axmed Madoobe oo iyagu maalmihii u dambeeyey ku hawlanaa sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka aloosan deegaanka Qarxis.

Diyaargarowe xooggan oo ku aaddan sidii saraakiishan loo soo dhoweyn lahaaa ayaa xilligan magaalada Garowe ka socda.

Waxaa la qorsheynayaa kulan balaaran oo khilaafkaan lagu xalinayo maalinta berri ah lagu qabanayo aqlaka Islaan Ciise Maxamad Islaan.

kulankaan ayaa waxaa kasoo qayb galaya Ra'isal wasaaraha Somalia, Madaxweynaha maamulka jubaland iyo labada Issim ee ree Nugaal.

Garowe Online kala soco wararka kasoo kordha kulankaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM