Golaha deegaanka Galkacyo oo la dheereeyay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Waxaa maanta magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug lagu dhaariyay Xildhibaanada golaha deegaanka degmadaasi.

Xafladda dhaarinta waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin katirsan xukuumadda iyo maamulka gobolka Mudug.

Dhaar kadib, waxaa mudanayaasha golaha deegaanka Galkacyo loogu baaqay inay u istaagaan sidii hormarka bulshada uga qayb qaadan lahaayeen islamarkaana ka run sheegaan kitaabka ay ku dhaarteen.

Guddiga dhismaha golaha deegaanka degmada Galkacyo ayaa ugu baaqay murashaxiinta inay si dhaqso ah usoo gudbiyaan araajidooda.

Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa xusay in qorshahoodu yahay sidii isbadal loogu samayn lahaa magaalada Galkacyo, isagoo ugu baaqay Xildhibaanada in murashax kasta liiskiisa usoo gudbiyaan guddiga dhismaha.

Wuxuu sheegay inay uga fadhiyaan golahan inay gacanta ku qabtaan amniga magaalada Galkacyo, isagoo tilmaamay in sabtida socota howshan soo afmeeri doonaan.

Dhaarinta golahan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan la shaaciyay liiskooda oo ka kooban 31 mudane. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM