Golaha degaanka degmada Qardho oo xulashadiisa bilaabatey

Image

Sept 5, 2015 (GO)- Wasaaradda arimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee Puntland ayaa sheegtay inay bilaabatay xulista golaha deegaanka degmada Qardho ee gobolka Karkaar.

Maxamed Muuse Ismaaciil isu-duwaha wasaaradda arrimaha gudaha gobolka Karkaar ayaa sheegay inuu rajaynayo xulista golaha deegaanka  Qardho in lagu soo gabagabeeyo bishan gudaheed.

"Bishan gudaheeda ayaa la rabaa inay kusoo dhamaato xulista golaha deegaanka Qardho,waa inay beeluhu diyaarsadaan xildhibaanada matalaya, marka ay soo diyaagraoobaan ayaa doorashadu hacaysaa" ayuu yiri Isu-duwaha wasaarada.

Isu-duwaha ayaa tilmaamay in wakhtigii golaha deegaanka degmadaaasi soo idlaadatay isla markaana loo baahan yahay in la soo dhiso gole kale.

‘’Golaha deegaanka Qardho wuxuu la mid yahay golayaasha deegaanka ee waqtigiisu uu dhamaaday lana soo dhisayo’’ayuu yiri mudane Muse.

Xilka gudoomiyaha degmada Qardho ayaa waxaa isu soo taagey xubno farabadan kuwasoo bilaabey ololihii ay ku hantiye-lahaayeen kalsoonida shacabka.

Dhinaca kale xulista xildhibaanada golaha deegaanka degmada Bosaso ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka socotay xarunta ganacsiga Puntland iyadoo dib u dhac weyn ku yimid kadib markii la dhaafey mudadii 45 cisho aheyd ee madaxweyne Gaas u qabtey in lagu soo dhiso.

Golaha degaanka magalada Qardho ayaa ah kan kaliya ee madaxweyne Gaas uusan kala dirin isagoo horey wareegto ku kala direy golayaasha degaanka Garowe iyo Bosaso iyagoo waqtigoodii bilo ka dhiman tahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM