Golaha degaanka Nugaal oo la kala direy, agaasimayaal la badaley

Image

June 3, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilka ka qaadey duqii degmada Garowe Cabdicasiis Cilmi Koor, islamarkaana kala direy golihii deegaanka ee Garowe.

Duqa cusub ee Garowe waxaa loo soo magacaabay Axmed Siciid Geelle halka ku-xigeenka cusubna loo soo magacaabay Mustafe Siciid Faarax.

Dhanka kale, Madaxweyne Gaas ayaa isku beddeley afar agaasime guud.

Agaasimihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa loo wareejiyey Wasaaradda Cadaaladda halka kii cadaaladdana loo beddeley wasaradda Haweenka.

Agaasimihii Wasaaradda Haweenkana waxaa loo wareejiyey Arrimaha Gudaha.

Xil ka qaadista maayerka Garowe iyo kala dirista golaha deegaanka ayaa kusoo aadaysa todobaad kadib markii Cabdiweli Gaas sidan oo kale xilka uga qaadey mas'uuliyiintii ugu sarreysey maamulka gobka Bari iyo degmada Bosaso islamarkaana kala direy golihii deegaanka ee Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM