Golaha degaanka Nugaal oo la kala direy, agaasimayaal la badaley

Image

June 3, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilka ka qaadey duqii degmada Garowe Cabdicasiis Cilmi Koor, islamarkaana kala direy golihii deegaanka ee Garowe.

Duqa cusub ee Garowe waxaa loo soo magacaabay Axmed Siciid Geelle halka ku-xigeenka cusubna loo soo magacaabay Mustafe Siciid Faarax.

Dhanka kale, Madaxweyne Gaas ayaa isku beddeley afar agaasime guud.

Agaasimihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa loo wareejiyey Wasaaradda Cadaaladda halka kii cadaaladdana loo beddeley wasaradda Haweenka.

Agaasimihii Wasaaradda Haweenkana waxaa loo wareejiyey Arrimaha Gudaha.

Xil ka qaadista maayerka Garowe iyo kala dirista golaha deegaanka ayaa kusoo aadaysa todobaad kadib markii Cabdiweli Gaas sidan oo kale xilka uga qaadey mas'uuliyiintii ugu sarreysey maamulka gobka Bari iyo degmada Bosaso islamarkaana kala direy golihii deegaanka ee Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM