Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Wasiirada Cusub ee Puntland & Barnaamijka Xukuumada

Image
Barnaamijka xukuumadda ayaa sal u ahaa Amniga, Garsoorka, Arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

Garowe, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta horgeeyay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xubnaha Golaha Wasiirada ee cusub.

Madaxweynuhu ayaa Golaha la wadaagay qorsheyaasha xukuumadda oo ay sal u ahaayeen Amniga, Garsoorka, Arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda , wuxuuna ka codsaday Xildhibaanada Golaha Wakiillada in ay ansixiyaan xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada oo lagu soo xulay aqoontooda iyo waaya-aragnimadooda.

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada ka dhegaystay Aqoontooda iyo khibradooda shaqo, kadibna waxay ku ansixiyeen cod aqblabiyad ah iyadoo 54Mudane oo kulanka joogay dhammaan gacanta u taageen ansixinta xukuumadda cusub, sidoo kale waxaa uu Baarlamaanku ansixiyey qorshe Siyaasadeedka xukuumadda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ansixinta xukuumadda ka dib u mahadceliyay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, wuxuuna la wadaagay in la xoojin doono wadashaqeynta Goleyaasha Dowladda, si loo horumariyo adeegyada Dowladnimo ee loo hayo Shacabka Puntland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM