Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Wasiirada Cusub ee Puntland & Barnaamijka Xukuumada

Image
Barnaamijka xukuumadda ayaa sal u ahaa Amniga, Garsoorka, Arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

Garowe, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta horgeeyay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xubnaha Golaha Wasiirada ee cusub.

Madaxweynuhu ayaa Golaha la wadaagay qorsheyaasha xukuumadda oo ay sal u ahaayeen Amniga, Garsoorka, Arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda , wuxuuna ka codsaday Xildhibaanada Golaha Wakiillada in ay ansixiyaan xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada oo lagu soo xulay aqoontooda iyo waaya-aragnimadooda.

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada ka dhegaystay Aqoontooda iyo khibradooda shaqo, kadibna waxay ku ansixiyeen cod aqblabiyad ah iyadoo 54Mudane oo kulanka joogay dhammaan gacanta u taageen ansixinta xukuumadda cusub, sidoo kale waxaa uu Baarlamaanku ansixiyey qorshe Siyaasadeedka xukuumadda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ansixinta xukuumadda ka dib u mahadceliyay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, wuxuuna la wadaagay in la xoojin doono wadashaqeynta Goleyaasha Dowladda, si loo horumariyo adeegyada Dowladnimo ee loo hayo Shacabka Puntland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM