Golaha Wasiirada Cusub ee Puntland oo la dhaariyay

Image
Munaasabadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Garowe, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta goobjoog ka noqday Munaasabadda dhaarinta xubnaha Wasiirada Cusub ee Dowladda Puntland, oo ay dhaarisay Maxkamadda Sarre.

Xubnaha Wasiiradda:-

1. Waxaa Maxamed Cabdiwahaab Axmed loo magacaabay Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.

2. Waxaa Ibraahin Cartan Ismaaciil loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR.

3. Waxaa Cabdi Faarax Juxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.

4. Waxaa Maxamed Faarax Maxamuud loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.

5. Waxaa Daa’uud Maxamed Cumar loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.

6. Waxaa Fu’aad Abshir Axmed (Adeer) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

7. Waxaa Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

8. Waxaa Faarax Cawad Jaamac loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta.

9. Waxaa Shaakir Maxamed Guuleed loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda.

10. Waxaa Cabdullaahi Bile Nuur loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

11. Waxaa Maryan Axmed Cali loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska.

12. Waxaa Maxamuud Caydiid Dirir loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska.

13. Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.

14. Waxaa Cumar Cabdisamad Yuusuf (Dhuux) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

15. Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Faroowe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada.

16. Waxaa Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda

17. Waxaa Cabdiraxman Axmed Cabdulle loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

18. Waxaa Liibaan Muuse Cismaan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha.

19. Waxaa Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

20. Waxaa Maxamed Cabdiqaadir Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka

21. Waxaa Hodan Siciid Xasan loo magacaabay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM