Golaha wasiirada Puntland oo asbucii 9aad kulan isugu imaaan

Image

8 October, 2015 (GO)- Waxaa Asbucii 9aad aan fadhi isugu imaan golaha wasiiraada Puntland kuwaasoo Khamaiis walba isugu imaan jirey kulan lagu qaban jirey xarunta madaxtooyada Puntland ee Garowe.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo asbuucaan safar ugu maqan wadanka Kenya ayaa magaalo madaxda Puntland ee Garowe waxaa ku sugan ku-xigeenka Cabdixakiim Cabdulahi Cumar Camey.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku guuldareystey inuu kulmiye golaha wasiirada kuwasoo la sheegey in intooda badan ku sugan tahay magaalo madaxda Garowe.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland ayaa isugu dhinaciisa amar ku siin golihiisa xukuumada kuwooda aan shaqada ku maqneyn  taasoo ay u muuqato inuusan dooneyn in golaha wasiirada fariistaan isaga oo ka maqan magaalo madaxda.

Madaxweyne Gaas ayaa la filayaa inuu dib ugu soo noqdo Puntland maalinta Sabtida isaga oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Maqnaanshaha kulanka golaha xukuumada Puntland muddo 9 asbuuc ah ayaa dadka la socda xaalada siyaasdeed ee Puntland u arkaan mid muujineysa sida hay'ada dowliga u noqdeen kuwa ka gabashey shaqadii looga baahna iney u qabtaan shacabka. 

Warsidaha Garowe Online ayaa baahiyey dhamaan shirarka golaha xukuumada ee baaqdey 9-kii Asbuuc ee lasoo dhaafey.

GAROWEONLINE

 

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM