Golaha Wasiirrada PL oo isku-shaandheyn lagu sameeyey

Image

June 16, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isku-shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirrada.

Liiska wasiirrada cusub waxaa warbaahinta u akhriyey af-hayeenka madaxtooyada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Quraan-jecel).

Isku-shaandheyntan oo bilihii u dambeeyey la filayey ayaa u dhacday sidan:

  1. Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, Shire Xaaji Faarax.
  2. Wasiirka Amniga, Cabdi Xirsi Cali Qarjab.
  3. Wasiirka Haweenka, Aniso Cabdiqaadir Xaaji Muumin.
  4. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
  5. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Cabdirashiid Maxamed Xirsi
  6. Wasiirka Duulista Hawada, Xasan Xaaji Siciid.
  7. Wasiirka Beerahaha iyo Waraabka, Cabdullaahi Cali Xirsi.
  8. Wasiirka Caafimaadka, Cabdinaasir Cismaan Ciise.
  9. Wasiirka Deegaanka, Cali Cabdullaahi Warsame.
  10. Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Cabdi Cismaan Maxamed.
  11. Wasiirka Dastuurka, Feysal Cabdi Cali Gaas.
  12. Wasiirka Maaliyadda, Cabdullaahi Sheekh Axmed.
  13. Wasiirka Warfaafinta, Maxamuud Xasan Soo-cade.
  14. Wasiirka Waxbarashada, Abshir Aw-Yuusuf Ciise.
  15. Wasiirka Cadaaladda, Saalax Xabiib Xaaji Jaamac.
  16. Wasiirka Kalluumaysiga, Cabdinuur Cilmi Maxamuud.
  17. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle.
  18. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdullaahi Jaamac Saalax.
  19. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Cabdi Cismaan Maxamed.

Isku-shaandheyntan oo in muddo ah si weyn loogu dheg taagayey ayaa noqoneysa tii ugu horreysey ee Madaxweyne Gaas uu sameeyo muddadi sanad iyo barka ahayd ee uu xilka hayey.

Waxaa xusid mudan in Madaxweynuhu muddadii uu ku jirey isku-shaandheynta cadaadis badan kala kulmayey beelaha qaar iyo mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo Madaxweyne ku-xigeenku kamid yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM