Golaha xukuumada Puntland oo kulan isugu yimid 13 Asbuuc kadib

Image
Image
Image
Image

12 Nov, 2015 (GO)- Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa maanta qabtey kulankii ugu horeeyey golihii xukumada kuwasoo aan kulan iusgu imaan muddo 13 toban Asbuuc ah.

Shirka Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa waxaa maanta looga hadlay arrimaha Ammaanka, Safarkii Madaxweynaha ee dalka isu-tagga Imaraadka Carabta, Saamaynta duufaanta ee xeebaha Gobolada Gardafuu iyo Bari, Wax qabadkii Dawladda Puntland ee Gobolka Mudug, U diyaar garowga la xisaabtanka Hay’adaha Dawladda, Ka Doodida xeerar kala duwan iyo warbiximo.

Lama oga sababta uu shirkaas u qabsoomi waayey iyadoo madaxweynaha Puntland uusan su'aashaas ka jawaabin kadib markii xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland waydiiyey furitaanka kalfadhiga 36aad ee golaha wakiilada.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa u suurtoobi waydey kulankaas inuu qabto kadib markii Kooramka golaha wasiirada buuxsimi waayey.

Madaxweyne Gaas oo inta badan 13 asbuuc ku sugnaa magaalada Galkacayo ayaa xaawilin in kulankaas ka dhaco Galkacayo ama magaallo madaxda Puntland ee Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM