​Gole deegaan oo loo dhisayo degmada Dangoroyo

Image

GAROWE, Puntland- Degmada Dangoroyo gobolka Nugal, waxaa kasocda diyaar garow xooggan oo ku saabsan dhismaha golaha deegaanka degmadaasi oo maanta ugu dambayso soo gudbinta codsiyada kamid noqoshada Xildhibaanada.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda ayaa degmada tagay, waxaana wararka aan helayno sheegayaan in ugu dambayn 02:00PM Saacadda Bariga Africa ku egtahay qabashada Araajida, wixii xilligaasi ka dambeeya guddiga Khilaafaadku soo kala xuli doonaan.

Dadka deegaanka qaybtood ayaa gudbiyay ilaa 2 xubnood oo isku meel kasocda.

Degmadan ayaa kamid ah degmooyinka loo yaqaano B, waxayna xaq u leedahay ilaa 21 xubnood, waxaana la filayaa in tirada dheer ka reebaan guddiga khilaafaadka doorashada iyo dhismaha golahaasi.

Xaaladda magaalada Dangoroyo ayaa haatan ka duwan sidii hore, waxaana aad loo hadal hayaa cidda loo dooran doono Guddoomiye iyo ku-xigeen iyadoo ay jiraan rag badan oo iyaguna isa soo sharaxay.

Maalinta barri ah ayaa la filayaa in la guda galo dhismaha golaha deegaanka degmada Dangoroyo, waxaan 13 bisha tagi doona wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilm Cismaan oo ah guddoomiyaha guddiga khilaafaadka iyo dhismaha golaha deegaanka Degmada Dangoroyo Iyo saraakiil kale oo ka tirsan gobolka Nugaal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM