Gollaha Amaanka oo War culus kasoo saarey Colaadda Tukaraq

Image

NEW YORK - Gollaha Amniga ee Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujiyay dagaalladii dhawaan ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kuwaasi oo u dhaxeeyay Puntland iyo Somaliland.

War qoraal ah oo kasoo baxay Gollaha ayaa loogu baaqay dhinacyada inay si deg deg ah u hirgeliyaan balanqaadkii ay u sameeyeen dhawaan Beesha Caalamka ah oo ahaa inay sameynayaan xabad joojin.

Gollaha amaanka ayaa ka digay hadalada xanafta leh ee madaxda labada dhinac ay warbaahinta isku marinayaan, kuwaasi oo sii kicinaya colaadda taasi oo sababtay dhimasho, dhaawac iyo bakarac.

Puntland iyo Somaliland ayaa loogu baaqay inay Ciidamadooda kala soo baxaan jiidda dagaalka, islamarkaana ay qaab wadahadal ah ku dhameeyaan khilaafka horseeday gacan ka hadalka.

Dowladaha Gollaha amniga ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka Tukaraq oo sii labo jibbaarey xaaladda bini'aadnimo ee gobolka, waxaana ay baaqeen dhinacyada halkaasi isku haya inay joojiyaan colaadda.

Baaqa Gollaha Amaanka ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland iyo Somaliland ay ku jiraan diyaar garow dagaalka, islamarkaana laga dareemayo Tukaraq iyo nawaaxigeeda dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo labada dhinac ay wadaan.

Madaxweyne Farmaajo, Baarlamaanka Soomaaliya, Saaxiibada Beesha caalamka iyo Odayaasha dhaqanka ayaa horey ugu baaqay labada maamul inay joojiyaan dagaalka, islamarkaana xabad-joojin ka hirgeliyaan Tukaraq.

Xaaladda Tukaraq ayaa kacsanayd wixii ka dambeeyay markii ay Somaliland la wareegtay January 8, 2018, iyadoo Ciidamada Puntland iyo Somaliland ay labo jeer wax ka badan ku dagaalamayeen deegaanka.

Somaliland iyo Puntland ayaa ku loolamayay Sool tan iyo 2002, oo midba midka kale uu sheeganayo lahaanshiyaha gobolka, iyadoo shacabka degana uu dhibane u noqday hardanka maamuladan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM