Gudomiyaha cusub ee Garowe oo xilka la wareegay

Image

30 Augusto, 2015(GO)-Duqa cusub ee degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise"Goodir" ayaa maanta xilka si rasmi ah ula waregay ka dib munasabad kooban oo lagu qabtey xarunta dowladda hoose ee degmada Garowe.

Xilwarejinta waxaa goob joog ka ahaa Masuliyiin ka socota wasaraddaha arimaha gudaha, Caafimaadka iyo xubnaha golaha deegaanka degmada Garowe.

Duqii KMG aha ee degmada Axmed Siciid Geelle"Shoodhe" ayaa sheegey inu la shaqeynayo gudoomiyaha cusub, balse waxa uu carabka ku dhuftey inuu ku sii jiri doono saaxadda siyasadda.

Xasan Maxamed Ciise"Goodir" ayaa tilmaamey inuu dardar galin doono shaqada dowladda hoose, waxqabadkiisa ayuu xusey inuu u dib dhigan doono xaflad uu ku tilmaamey Caleemo saarkiisa.

Dhawaan ayaa doorasho ka dhacdey Garowe waxaa ku guuleystay xilka Mayarka Garowe Xassan Goodir oo ka mid ah Ganacsatada magalada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM