​Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland oo shaaciyay shuruudo

Image

GAROWE, Puntland- Shir jaraa'id oo maanta magaalada Garowe ku qabteen guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland ayay ku shaaciyeen shuruudaha looga baahanyahay dadka u tartamaya Aqallada Barlamanka Federalka Somalia.

Guddoomiyaha Guddigaasi Khaliif aw-Cali oo ka warbixinayay howlaha socday, ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayso, wuxuuna ku baaqay inaan laga dib dhicin waqtigii loogu talo galay.

Wuxuu intaas ku daray inaysan shaqo qaban karin ilaa ay loo soo gudbiyo Ergada wax dooranaysa iyo Liiska Aqalka sare isagoo ku baaqay in howlahaas dhaqso loo dhammeeyo.

Khaliif ayaa tilmaamay in jadwalku waqtigiisu koobanyahay, wuxuuna xusay ciddii ka dib dhacda inay iyagu mas'uul ka yihiin.

Wuxuu sidoo kale akhriyay shuruudaha looga baahanyahay murashaxiinta oo ku qoran waraaqdan hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM