Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo wacyigalin ka bilaabaya Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Xubno katirsan guddiga doorashooyinka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta soo gaaray magaalo Madaxda Puntland ee Garoowe iyagoo doonaya inay wacyigalin la xariirta nidaamka dimuqraadiyadda ka samayaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Wafdigan, waxaa garoonka diyaaradaha Canoco soo dhaweyn ugu sameeyay mas'uuliyiin katirsan Guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC, dalladda ururrada aan dowliga ahayn ee PUNSAA iyo mas'uuliyiin kale.

Xubnaha labada guddiga iyo dalladda PUNSAA oo saxaafadda kula hadlayay gudaha magaalada Garoowe, ayaa sheegay in socdaalkoodu la xariiro sidii wacyigalin loogu samayn lahaa shacabka Puntland,taasoo la xariirta nidaamka doorashada qof iyo codka ah ee la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo 2021-ka.

Guddoomiyaha PUNSAA, Faysal Axmed Warsame, oo ugu horayn la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin imaanshaha wafdigan islamarkaana ay diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan dedaalada ay wadaan.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka TPEC, Maxamud Soofe Xasan, ayaa sheegay inay socdaalka Guddigan uu yahay guul usoo hoyatay shacabka Puntland, isagoo rajo wanaagsan uga muujiyay safarkooda gobolladan.

Sayid Cali Sheekh Maxamed, oo kamid ah xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, ayaa tilmaamay inay la kulmi doonaan madaxda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada islamarkaana kala hadli doonaan sidii nidaamka dimuqraadiyadda looga hirgalin lahaa dalka Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray in barnaamijkan ay kasoo sameeyeen dalka oo dhan islamarkaana Puntland tahay halkii ugu dambaysay ee ay booqanayaan.

Maaha markii ugu horaysay xubno katirsan guddigan ay yimaadaan Puntland islamarkaana bulshada kala hadlaan nidaamka axsaabta badan, taasoo horay ugu fashilmeen xukuumadihii soo maray dalka. Farmaajo ayaa loollankii doorashada ku galay inuu Soomaaliya ka hirgalin doono nidaamka axsaabta badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM