​Guddiga isku dhafka ciidamada Soomaaliya oo Garowe yimid

Image
Image
Image

GAROWE- Wafdi uu hogaaminayo wasiir dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federalka Soomaaliya, Maxamed Xali Xagaa, ayaa maanta soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe, iyagoo booqday xarunta ciidamada Daraawiishta ee 54-aad.

Waxaa magalada kusoo dhaweeyay taliyaha guud ee ciidamada Qalabka General Siciid Maxamed Xirsi iyo saraakiil katirsan ciidamada difaaca Puntland.

Wafdigan ayaa kulan la qaatay xubno katirsan laamaha ammaanka Puntland, waxayna kawada hadleen arrimo la xiriira isku dhafka ciidamada iyo qaabkii loo hirgalin lahaa hishiisyo horay loo galay.

Ujeedka socdaalkan mas'uuliyiinta ayaa lagu sheegay inay la xiriirto qorshaha lagu doonayo in la  isugu dhafo ciidamada difaacada dalka, kaasi oo qayb ka ahaa hishiisyo horay u wada galeen dowladda Federalka Soomaaliya iyo Puntland.

Waxaa horay loogu hishiiyay in la sameeyo ciidamo Qaran kuwaasi oo badal kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM