​Guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo la ansixiyay

Image

GAROWE- Barlamanka Puntland oo magalada Garowe ku leh kalfadhi aan caadi ahayn ayaa maanta meelmariyay guddiga KMG ah doorashooyinka Puntland, kuwaasi oo ka kooban sagaal xubnood.

Fadhiga Barlamanka oo ay joogeen 52 mudane ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xubnaha, waxaana ogolaatay 50 mudane halka labo Xildhibaan ka aamuseen.

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi, ayaa ku dhawaaqay natiijada cod-bixinta guddiga, wuxuuna sheegay inuu ansaxay magacabistooda maadama ay heleen kalsoonida golaha shacabka.

Waa guddigii labaad ee noocan ah oo Puntland yeelato tan iyo 1998, waxaana xubnihii kuwan ka horeeyay la ansixiyay sannadkii 2011, waloow dadaalladii lagu doonayay waqtigaasi in Puntland dimuqraadiyay lagu gaarsiiyo is-hortaageen siyaasiyiin dano gaar ah watay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM