Guddiga xallinta xiisadda Qarxis oo la shiraya Madaxweynaha Puntland

Image

July 1, 2015 (GO)- Guddi dhex-dhexaadin ah oo ka yimid dhanka deegaanka Qarxis ayaa maanta soo gaarey magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Guddigan oo ka kooban lix xubnood, waxaa laga soo dhex xulay guddi kale oo shan iyo toban xunood ahaa, kaas oo maalmo kahor isla deegaanka Qarxis lagu dhisay.

Xubnaha guddigan ayaa xarunta madaxtooyada ee Garowe kulan kula qaadan doona Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyagoo kala hadli doona sidii xal waara loogu heli lahaa xiisadda ka aloosan Qarxis.

Kahor inteysan Garowe imaan, guddigu wuxuu lasoo kulmay Gen. Muxiyadiin iyo saraakiisha kale ee la socota. 
Saraakiisha ayaa sheegay inay wadahadal diyaar u yihiin, waxayna ballan qaadeen inay aqbalayaan go'aan kasta oo guddiga dhex-dhexaadintu gaaro.

Garowe Online ayaa ogaatey magacyada xubnaha guddiga, waxayna kala yihiin sidan:

  1. Xasan Gurey Dusaaye
  2. Cismaan Guureeye
  3. Daahir Maxamed San-weylood
  4. Mukhtaar Cabdiraxmaan
  5. Daahir Khaliif
  6. Maxamed Xaaji Aadan

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM