Guddiga xulista xubnaha golaha deegaanaka Bosaso oo la shaaciyay [Dhagayso]

Image

07 September, 2015(GO)-Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa magacowday guddiga soo xulista iyo ansixinta golaha deegaanka degmada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Guddigaan ayaa sida ku xusan war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland waxay ka koobanyihiin 7-ruux kuwaas oo isugu jira wasiiro, gudoomiyaha gobolka Barri, gudoomiyaha ururka haweenka Puntland, la taliye ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha  iyo isu-duwaha wasaaradda ee gobolka Bari.

Xubnahan la magacaabay ayaa waxaa gudoomiye  looga dhigay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Axmed  Cilmi Cismaan "Karaash" halka ku xigeena looga dhigay wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali "Qarjab" waxayna xilalkan horey ugu magacownaayeen gudigii soo xulay golaha deegaanka degmada Garowe.

Odayaasha iyo nabadoonnada gobolka Bari ayaa lagu amray  inay 3-cisho ku soo gudbiyaan xubintii u matali lahayd golaha deegaanka, isla markaana reerkii leh 3-xubnood mid ka mid ahi uu noqdo haween.

Degmada Bosaso malahayn muddo dhawr bilood ah gole deegaan, waxaan si kumeel gaar ah xilka degmada u sii hayay Maxamed Siciid Shabeelo oo dhawaan soo magacaabey madaxweyne Gaas maadaama uu kala direy xubnihii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM