Guddomiyaha cusub gobolka Nugal oo Garoowe yimi [Dhagayso]

Image

16 September, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Gudomiyaha cusub ee gobolka Nugal ayaa galabta lagu soo dhaweeyay magalada Garowe caasumadda Puntland.

Cumar Cabdullaahi Farole oo maanta loo magacaabey Gudoomiyaha gobolka ayaa ka yimi magalada Galkacyo oo muddo ku sugnaa, waxaana caasumadda Puntland soo dhaweyn ugu sameeyay bulshada qaybaheeda kala duwan.

Cumar Cabdulahi Farole oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xilka loo magacaabay, isagoo u mahadceliyay bulshada soo dhaweysay.

Gudomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay inuu ka shaqayn doono hormarinta gobolka, waxaa uu dhinaca kale ku baaqay in la joojiyo colaadda ka soo cusboonaatay gobolka Sool.

Cumar Cabdullaahi ayaa noqonaya Gudoomiyihii saddexaad ee loo magacaabo gobolka Nugal tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Gaas.

GAROWEONLNE.

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM