​Guddoomiyaasha gobollada Puntland oo dallad samaystay

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Shir ay isugu yimaadeen guddoomiyaasha gobollada Puntland, ayaa lagu doortay Guddoomiye iyo xoghaye mas'uul ka noqonaya dallad ay samaysteen. Xaflad ka dhacday magaalada Garowe, ayaa lagu shaaciyay dalladan iyo xubnaha mas'uulka looga dhigay.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Qoobdeero ayaa daah furay, waxaana Guddoomiye dalladaas loogu doortay, Cumar Cabdullaahi Faraweyne, halka xoghaye laga dhigay, Maxamud Siciid Ciyood oo ah Guddoomiyaha gobolka Sanaag.

Tallaabadan ayaa la sheegay in loogu talo galay sidii 9 gobol ee Puntland isugu xirnaan lahaayeen islamarkaana u yeelan lahaayeen madal ay ku kala war-qaataan.

Guddoomiyaha la doortay, Cumar Abdullaahi Faraweyne ayaa ku sheegay baahida keentay dalladan inay tahay sidii maamulada Goboladda Puntland guud ahaan isaga kaashan lahaayeen arrimaha sugidda ammaanka, horumarinta iyo Sidii ay u yeelan lahaayeen Iskaashi dhaw oo ku dhisan isku soo dhawaanshaha bulshada reer Puntland ee ay hogaanka u yihiin.

Goobta doorashada, waxaa sidoo kale joogay guddoomiyaha degmooyinka Puntland, waxaana arrintani timid kadib markii ay maalintii Shalay shir ku yeesheen xarunta wasaaradda arrimaha Gudaha Puntland.

Qorshahan, ayaan la ogayn in loogu talo galay gurmadka abaaraha ka jira Puntland iyo in kale, balse waa markii ugu horaysay ee dallad samaystaan.

Degmooyinka ayaa leh Dallar lagu magacaabo ALGABAL oo ay ku midaysanyihiin Guddoomiyaasha degoomooyinka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM