​Guddoomiyaha Barlamanka Puntland oo Galkacyo tagay

Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa maanta gaaray magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug halkaas oo maalintii Axadda ahayd 21 Augusto, 2016 ka dhacay qaraxyo dad badan ku dhinteen.

Ujeedka booqashada Axmed Cali Xaashi ayaa ku saabsan xaaladda magaalada iyo qorshe loogu gurmanayo dadkii waxyeelladu kasoo gaartay dhibkii halkaasi ka dhacay.

Guddoomiyaha oo soo dhaweyn loo sameeyay ayaa booqday goobihii ay saameeyeen qaraxyadii ay ka dambeeyeen ururka Al Shabaab isagoo soo indha indheeyay suuqa Xero dayax ee degmada Galkacyo.

Wuxuu tacsi u diray dhammaan ehelada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay falkaasi isagoo ALLE uga baryay intii dhimatay inuu u naxariisto halka kuwa dhaawaca ah u baryay bogsiimo dhaqso leh.

Axmed Cali Xaashi oo ka hadlayay gurmad laga sameeyo masiibadii dhacday ayaa shacabka ugu baaqay inay caawiyaan dadka taabalaysan islamarkaana u istaagaan sidii dib u dayactir loogu samayn lahaa goobaha waxyeelladu soo gaartay gaar ahaan suuqa iyo Cusbitalka Guud ee Galkacyo.

Booqashadan ayaa kamid noqonaysan mid uu halkaasi ku tagay ku-xigeenka madaxweynaha Puntland kaasoo tagay magaalada Galkacyo maalin kadib markii uu halkaasi qaraxyo xooggan ka dhaceen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM