Guddoomiyaha Barlamanka Puntland oo Nigeria u dhoofay

Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Barlamanka Puntland, Axmed Cali Xaashi ayaa maanta u dhoofay dalka Nigeria, halkaasoo ay ku joogi doonaan booqasho qaadan doonta Shan Cisho.

Guddoomiyaha waxaa socdaalkan ku weheliya xubno katirsan Barlamanka iyo qaar kamid ah shaqaalaha golaha shacabka Puntland.

Socdaalkan oo ahaa mid aan horay loo sii sheegin ayaa la xariira aqoon kororsi Xildhibaanada Puntland kasoo qaadan doonaan dhigooda Nigeria gaar ahaan barnaamijka Federaalka.

Axmed Cali Xaashi oo warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha Canoco, ayaa sheegay in Barnaamijkan ay Barlamanka Puntland kala shaqeeysay Qaramada Midoobay islamarkaana la xariiro sidii ay Nigeria ugasoo qaadan lahaayeen khibrad iyo aqoon ku saabsan Barnaamijka Federalism-ka ee laga hirgaliyay dalka Soomaaliya.

Saxaafadda oo Guddoomiyaha wax ka weydiisay inay jiraan cid katirsan dowladda dhexe oo socdaalkan ku wehelisa wuxuu sheegay inuu ku koobanyahay Puntland, isagoo intaas ku daray inay u madax bannaanyihiin wixii aqoon ah ee ay soo qaadanayaan.

Socdaalka Axmed Cali Xaashi, ayaa kusoo beegmay saacado kadib markii uu warbaahinta u sheegay in golaha Xildhibaanadu kasoo hor jeedaan daandaansiga Somaliland ka wado qaybo kamid ah dhulka maamulkan islamarkaana ku baaqay dagaal ka dhan ah xukuumadda Hargaysa.

Guddoomiye Xaashi iyo Xildhibaanada la socda ayaa caawa ku sugan Muqdisho, waxaana safarkooda Xamar kusoo beegmayaa xilli xiriir wanaagsa ay leeyihiin Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Axmed Cali Xaashi, halka uu jiro khilaaf u dhaxeeya Aqalka sare iyo kan hoose ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM