Guddoomiyaha cusub ee Nugaal oo soo dhoweeyey magacaabistiisa

Image

February 2, 2015 (GO)- Gudoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal loo soo magacaabay ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo kuna faraxsan yahay xilka Madaxweyne Cabdiweli Gaas u soo magacaabay.

Cabdulaahi Ciise Aw-Axmed ayaa sheegay in xilkaasi yahay mid culeyskiisa leh balse uu diyaar u yahay inuu si fiican uga soo dhalaalo, mas'uuliyadda dalka iyo dadka ka saaranna si daacad ah u godan doono.

"Waxan u arkayaa waajib wadani ah iyo waajib diini ah oo i fuulay, kaasoo ay tahay inaan si wanaagsan u guto" ayuu yiri

Dhanka kale, mar la weydiiyey inuu horay uga war qabey in xilkan loo soo magacaabayo iyo in kale, wuxuu sheegay inuusan isagu doonan balse Madaxweynuhu u soo magacaabay kadib markii uu la tashaday siyaasiyiinta iyo wax garadka gobolka.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in meelaha uu xoogga saari doono ammaanku ugu horreeyo, maadaama xarunta gobolka Nugaal ee Garowe tahay caasimada Puntland khasabna ay tahay in ammaankeeda si weyn loo sugo.

Cabdulaahi Ciise Aw-Axmed ayaa horay usoo noqdey gudoomiyaha gobolka Nugaal xilligii uu Puntland madaxweynaha ka ahaa Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Cadde.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM