Guddoomiyaha Godob-jiiraan oo beeniyay in xilka laga qaaday [Dhagayso]

Image

GAROOWE, Puntland- Guddoomiyaha degmada Godob-jiiraan Yuusuf Geesaweyne ayaa sheegay inaysan jirin wax xil ka qaadis ah oo ay ku sameeyeen xildhibaanada golaha degmadaas, xilli Guddoomiye ku-xigeenkiisa uu tilmaamay in 13 mudane kalsoonidii kala noqdeen mas'uulkaas.

Yusuf oo waraysi gaar ah caawa siiyay Radio Garowe, ayaa tilmaamay inuu saaka u shaqo tagay xafiiskiisa islamarkaana xildhibaano katirsan golaha ay isla joogeen oo uu kamid yahay ku-xigeenkiisa.

Wuxuu beeniyay inay jirto wax eed ah oo xilka looga qaadi karo, taasoo ay ku jirto inuu furi waayay Kalfadhigii golaha.

"Maaha labo kalfadhi kan kii ka horeeyay ayuusan furmin, sababtuna waxay ahayd abaaro jiray iyo xildhibaano kala maqnaa." sidaas waxaa yiri Yusuf.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in Xildhibaanada golaha deegaanka aysan isu imaan karin ilaa ay goob joog ka tahay wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo maamulka gobolka, sidaas awgeed aysan sharci noqon karin hadal kasoo yeeray xildhibaano xasiig dhigay guri.

Guddoomiyaha Godob jiiraan, wuxuu khayaano qaran ku tilmaamay in ku-xigeenkiisa uu warbaahinta la hadlo xilli shaqadu caadi u socoto, isagoo sidoo kale sharci darro ku tilmaamay inuu shir guddoomiyo kulan Xildhibaanadu leeyihiin isagoo uu joogo Guddoomiyuhu.

Arrintan ayaa imaanaysan xilli Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ku baaqday in la furo Kalfadhiga golaha deegaanka degmada.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM