Guddoomiyaha Qandala oo ka hadlay in Daacish deegaano qabsatay

Image

GAROWE, Puntland- Guddoomiyaha degmada Qandala ee gobolka Bari Jaamac Maxamed Khuurshe ayaa ka hadlay warar sheegaya in koox katirsan Daacish gacanta ku dhigtay deegaano hoos yimaada degmadas, sida lagu daabacay baraha internet-ka.

Isagoo la hadlayay warbaahinta Gudaha, wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaas, balse wuxuu qiray in kooxdaas ay ku sugantahay nawaaxiga Qandala.

“Waa dacaayad waxa lagusoo qoray websiteyada oo la ii sheegay, wax tuulo ah ay qabsadeen ma jirto, laakiin buuraha ku dhow Qandala ayay joogaan waana la aadayaa inshaa allaah,” sidaas ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Qandala.

Khuurshe ayaa sidoo kale xusay in kooxdaas ku sugantahay ceelal biyoodyo ku dhow Qandala oo ay ka warqabaan, balse qaabkii loogu howl gali lahaa lagu guda jiro oo ay dowladda ka sugayaan.

Mar wax laga weydiiyay jid-gooyo kooxdo u dhigato gaadiidka wadada isticmaala, wuxuu cadeeyay in arrintaas wax lag qabtay, wuxuuse carrabka ku dhuftay inay miinooyin galiyeen meelaha qaar taasna ay ka saari doonaan.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in abaaraha ka jirta dalka ay kaliftay in ceelka degmada Qandala uu ciladoobay taasoo uu sheegay inay samaysay ciidamadii degmada ku sugnaa.

Hadalka Guddoomiyaha Qandala ayaa yimid xilli dhawaan koox la sheegay inay katirsantahay Daacish muddoo kooban gacanta ku hayeen deegaan lagu magacaabo Dasaan.

Mallayshiyo uu hogaamiyo nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin  ayaa ku sugan gobolka Bari,  waxayna sannadkii hore dhammadkiisa gacanta ku dhigeen Qandala taasoo markii dambe ay isaga baxeen.

GAROWEONLINE


Related Articles

Madaxweyne Deni: Puntland ma aqbalayso Mashaariic siyaasadaysan

Maamulka Deni ayaa si adag uga soo horjeeda waxa uu ku tilmaamay faragelin siyaasadeed oo ka imaanaysa Villa Soomaaliya.

  • Puntland

    14-06-2025

  • 04:47PM

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM