Guddoomiye Jibriil oo lagu khasabey inuu fagaaro uga jawaabo Wasiir Juxa

Image
Labada mas'uul ayaa kawada hadlay kulan Sabtida maanta ah ka dhacay magaalada Garowe.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo ka hadlayay qaacada baarlamaanka ayaa si shaac ah ugu jawaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo dimoqoraadiyeynta Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Jibriil ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in dhawaqa kasoo yeeray Juxa uu yahay gabi ahaanba meel ka dhac ku ah nidaamka dowladnimo ee haatan ay ku dhaqmeyso Puntland.

Afhayeenka ayaa xusay in hadalkii Juxa ee ahaa in lifaaq dastuurka Puntland uu yahay xeer jajab uusan ahayn hadal sax ah “Waxaan Juxa u sheegayaa in labada lifaaq ee dastuurkaba ay yihiin sharci iyo xeerar dastuuri ah ee aysan ahayn xeer jajab sida uu isaga qabo”.

Guddoomiye Cabdirishiid oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in maadaamaa isaga oo fadhiya uu hadalkani yiri Juxa ay tahay waajib dastuuri ah in uu u jawaabo.

Halkaasi kuma ekaan jawaabta guddoomiyaha ee wasiirka, ee waxa uu sidoo kale guddoomiyaha waxbo kama jiraan kasoo qaaday xeerka xuduudaha degmooyinka oo ay Golaha Wasiirada anisixiyeen.

"Sida uu qabo sharci nambar 7 , xuduudaha degmooyinka waxaa keliya ansixin kara baarlamaanka, waxbana kama jiro xeerka ay ansixiyeen Golaha Wasiirada, wixii ka yimaadana waxaa dhabarka u ridanaysa wasaaradda arrimaha gudaha," ayuu xusay.

Wasiir Juxa oo sidoo kale gaf toos ah u geystay Odayaasha Dhaqanka ee Puntland ayaa wuxuu hadalo hore oo badan oo meel ka dhac loo arkay ka jeediyay meelo kala duwan, waxana hadda muuqata in ay gorodda isla galeen guddoonkii baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Baareysa Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Dilay Oday Dhaqameed Gobolka Sanaag

Qoyska marxuumka ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku eedeynayay in odaygu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

  • Puntland

    15-09-2025

  • 07:02AM

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM