​Guddoomiye loo magacaabay hay'adda Waddooyinka Puntland

Image

BOOSAASO, Puntland- Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa Lix bilood kadib Guddoomiye u magacaabay hay'adda Waddooyinka Puntland ee PHA.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa lagusoo magacaabay Eng Cabdirisaaq Yusuuf Cilmi oo horay Puntland uga soo noqday Wasiiru-dowlaha Wasaaradda howlaha guud.

Magacaabistan oo kusoo beegantay xilli shaqada hay'adda uu si KMG ah u hayay Ku-xigeenka Agaasimihii hore Maxamud Cabdinuur kaasoo shaqadiisa ku waayay kadib markii Warbaahinta qaarkeed bannaanka soo dhigtay musuq-maasuq baahsan oo lagu sameeyay tartankii loo galay mashruuca dhismaha Wadada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo.

Lama oga waxa uu shaqada hay'addan ka badali doono Eng Cabdirisaaq xilli PHA aysan waxba ka qaban bur-bur baahsan oo soo wajahay laamiga dheer ee isku xira Deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Waa wareegtadii 2aad oo maanta soo saaro Madaxweyne Gaas xilli la filayo inuu Bari u dhoofo magaalada Kismaayo halkaasoo uga qayb galayo shirka Maamullada dalka iyo DFS ee looga arrinsanayo khilaafka siyaasadeed ee waddanka soo wajahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM