​Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Puntland oo is-casilay [Akhriso]

Image

GAROWE, Puntland- Guddoomiyihii Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Axmed Maxamed Cali (Kismaayo), ayaa ku dhawaaqay inuu iska-casilay xilkaasi iyo xubinimadii uu guddigaas u hayay, kadib markii uu waraaqda shaqo katagista u gudbiyay madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas, oo horay xilkaas u magacaabay.

Waraqda shaqo katagista oo soo gaartay Garowe Online, ayaa Guddoomiyuhu wuxuu sababta ku sheegay arrimo isaga u khaas ah oo aysan ku lug lahayn cid kale.

Axmed Kismaayo, ayaa intaas ku daray mahad-celin uu usoo jeediyay madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Gaas oo ku ammaanay magacaabista booskaas.

Madaxweynaha Puntland, ayaa aqbalay shaqo katagista Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland.

Bishii 2aad ee sannadkan ayay ahayd markii madaxweynaha Puntland wareegto kusoo saaray 9 xubnood oo guddigaas ka koobanyahay, waxayna iska dhex-doorteen Axmed Kismayo oo muddo xilkaas hayay.

Tallaabadan ayaa timid xilli Madaxweynaha Puntland lagu dhaliilay inuusan diyaar u ahayn nidaamka Axsaabta badan inuu gaarsiiyo Puntland, isagoo ka gaabiyay tasiilaad badan oo guddigani ku shaqayn lahaayeen.

Gaas, ayaa waqtigii uu ku jiray ololaha doorashada, wuxuu ballanqaaday inuu Puntland 2019 ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah, sannadka ugu horeeyana dhisi doono guddigii howshaas ka shaqayn lahaa, balse waxaa muuqata in hadaalkaas uu ahaa mid beer laxawsi ah oo aysan xukuumaddiisu diyaar u ahay.

Sannadkii 2013 ayay ahayd markii siyaasiyiin uu horkacayay is-hortaag ku sameeyay dadaallo ay samaysay xukuumaddii uu hogaaminayay Cabdiraxmaan Farole, taasoo ahayd in dadku qofkii ay rabaan soo doortaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM