Guddoonka golaha deegaanka Bosaso oo la doortay iyo banaan-bax dhacay

Image
Image
Image
Image
Image

30 September, 2015(GO)-Xubnaha golaha deegaanka degmada Bosaso ayaa maanta cod gacan taag ah ku doortay Gudoomiyaha golaha iyo ku-xigeenkiisa.

Yaasiin Mire Maxamud ayaa cod aqlabiyad ah ku helay doorasho ka dhacay Bosaso, waxaana u codeeyay 28 mudane, halka ku-xigeenkiisa loo doortay Siciid Garown oo horay u soo noqday Gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka Bosaso.

Waxaa kasoo qayb galay maamulka gobalka Bari, kan degmada Bosaso, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, xildhibaano,nabadoono, aqoonyahanno, siyaasiyiin, ganacsato, dalinyaro , haween iyo marti sharaf.

Doorashada ayaa ka duwanayd kuwii ka dhacay Garowe iyo Qardho, waxayna u dhacday qaab gacan taag ah iyadoona hoolka doorashada lagu qabtay uu ka soo muuqday halmusharax oo raadinayay xilka Gudoomiyaha.

Mid ka mid ah musharaxiinta u taagnaa jagada Duqa degmada Bosaso ayaa shalay shaaciyay inuu ka laabtay arrinkaasi, ka dib dhaliil uu u soo jeediyay qaabka loo soo xulay Xildhibaanada.

Xildhibaanka qaadacay doorashada ma imaan dhaarta xubnaha cusub, kamana soo qayb galin doorashada maanta dhacday.

Dhinaca kale, magalada Bosaso ayaa waxaa ka socda banaanbax ay dhigayaan dadka deegaanka oo ka soo horjeeda sida wax u socdaan.

Gudoomiyaha Bosaso ayaa nin ah dhalinyaro wax ku soo bartay dalka dibadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM