Gudoomiyaha degaanka Bacaadweyn oo khilaaf ka taagan yahay [Dhageyso]

Image

BACAADWEYN, April 16,2015 ( GO)- Tuulada Bacaadwayn oo hoos tagta degmadda Gaalkacyo ayaa waxaa ka jira khilaaf dhanka xilka Gudoomiyaha degaanka kadib markii loo magacaabey mas'uul cusub.

Radio Garowe ayaa wax ka waydiiyey khilaafka ka jira degaanka Bacaadweyn Gudoomiyihiin hore Cawil Axmad Cabdi isaga oo ka hadlay sababaha keeney murankaan halka mas'uulka cusub Cabdinaasir Xasan Farax wareysi uu siiyey idaacada  ku shegeey xiliga la doortey iyo qaabka u dhacdey magacaabistiisa.

Dhageyso Gudoomiyaha cusub oo sheegey in xilka loo doortey yahay mid aan khilaaf ka jirin.

Dhinaca kale Idaacada ayaa la hadashey waxgaradka degaankaas oo wax ka waydiiyey khilaafka ka taagan Bacaadweyn waxaana ka hadley Cabdinaasir Warsame Cabdule.

Dhageyso jawaabta odoyaasha degaanka khilaafka Gudoomiyaha tuulada Bacadweyn.

GAROWEONLINE
.

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM