Gudoomiyaha degmada Garowe oo Khamiista la dooranayo

Image

19 August, 2015 (GO)- Golaha degaanka degmada Garowe oo la dhaariyey maalintii shaley ayaa wasiirka arrimaha gudaha waxaa hadal uu ka jeediyey munaasabadaas ku sheegey in doorashada gudoomiyaha magaalo madaxda Puntland iyo ku-xigeenkiisu dhaceyso maalinta khamiista.

Magaalda Garowe oo golaheeda degaanka madaxweyne CabdIweli Maxamad Cali Gaas kala direy ayaa waxaa u tartamaya xilka  gudoomiyaha degmada xubno farabadan oo ka tirsan xildhibinaada la dhaariyey maanta.

Musharaxiinta xilkaan oo kor u dhaafaya Lix qof ayaa waxaa waqti loo siiyey maalinta Arbacada fursad in ay ku sameeyaan ololahooda doorasho iyagoo la filayo iney soo bandhigaan barnaamijkooda siyaasadeed ee ku aadan hurumarinta magaalda Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM