Gudoomiye cusub oo loo magacaabay gobolka Kar-kaar

Image

01 Octobar, 2015(GO)-Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Gudoomiye gobolka Kar-kaar loogu magacaabay Cabdulqaadir Siciid Caarshe "Dhaqaaje".

Afhayeenka xukuumadda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac "Quraan Jecel" ayaa Garowe Online u xaqiijiyay magacaabista Gudoomiyaha.

Horey xilkaasi, waxaa ugu magacaabnaa Cabdi Quraan Maxamed Aadan.

Lama oga sababta xilka looga qaaday, balse waxay ku soo beegmaysaa xilli Madaxweyne Gaas uu isbadal ku samaynayay maamullada qaybo ka mid ah gobollada Puntland.

Waa Gudoomiyihii 6-aad ee Gaas u magacaabo gobollada, Nugal, Mudug, Bari iyo Kar-kaar intii uu xilka hayay.

GAROWEONLE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM