Gudoomiyha gobolka Nugaal oo digniin diray [Dhagayso]

Image

22 Octobar, 2015(GO)-Gudoomiyaha gobolka Nugal ayaa maanta ka hadlay shir ay yeesheen guddiga amniga kaasi oo looga hadlayo arrimo khuseeya caasumadda Garowe.

Cumar Cabdullaahi Farole oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay kulankaasi ka soo baxay qodobo ay ka mid ahaayeen in la soo xir-xiro shakhsiyaadka lagu soo eedeeyay dhul boobka, duminta dhismayaal laga sameeyay wadada Dr Jimcaale oo horay digniin looga soo saaray iyo qaabkii loola shaqayn lahaa laamaha ammaanka.

Gudoomiyaha gobolka ayaa  codsaday in laga shaqeeyo qaabkii looga shaqayn lahaa ilaalinta ammaanka gobolka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM