Gurmadka Doontii Caaraadiy oo Boosaaso ka socota [Daawo]

Image
Image

BOOSAASO, Puntland- Waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka socota dedaalo dheeraad ah oo ku aadan sidii loo bad-baadin lahaa hantida saaran Doon labo maalin ka hor ku caariday dekedda magaalada xarunta ganacsiga Puntland.

Doontan oo hantida saaran lagu qiyaasay 7 Milyan ayaa ganacsatada u raran oo kaashanaya dowladda iyo shacabka gobolka Bari, waxay dedaal ugu jiraan sidii looga dejin lahaa Agabkaas iyadoo la samaynayo xarun Macmal ah iyo waddo gaadiidku adeegsadaan.

Dhinaca Galbeed ee dekedda oo ah goobta ay ku caariday doontan oo lagu magacaabo Al Xafiis, ayaa waxaa laga geeyay Agabyo kala duwan gaar ahaan kuwa lagu sameeyo jidadka, Kunteendharo faaruq ah iyo Matooro.

Sheekh Fu'aad Maxamud Xaaji Nuur oo kamid ah culimada Puntland, ayaa isagoo la hadlaya Radio Garowe, wuxuu sheegay in dadka reer Boosaaso u gurmadeen hantidaas islamarkaana dekedda geeyeen wax kasta oo lagu soo bad-baadin karo hantida saaran doontaas, isagoo sheegay in la samayn doono wax u eg Dekedd oo la adeegsado markii cilad noocaan ah dhacdo.

Qaar kamid ah dadka ku howllan bad-baadad ayaa warbaahinta gudaha u sheegay, "Waxaan isu qaybinay dhowr qaybood, kuwo keenay Gawaarida ciida qaada, kuwo keenay Kunteendharo faaruq ah oo ciida laga buuxin doono, kuwo keenay Matooro lagu shaqeeyo, Cagaf cagafyo iyo wax kasta oo lagu bad-baadin karo doontaas."

Qorshahan ayaa sahlaya in toos loogu tago halka ay xeebta kaga sugantahay Doontan, waxaana la samayn doonaa Waddo, kadibna waxaa wiish mac-macmal ah la gayn doona nawaaxiga doonta iyadoo qorshahan la dhammaystiri doono ilaa Barri.

Dhinaca kale qorshahan waxaa qayb ka qaadanaysa dowladda iyadoo gaar ahaan maamulka gobolka iyo degmada Boosaaso, waxaana ay meesha geeyeen gawaarida dhismaha waddooyinka iyo agab kale.

Waa markii ugu horaysay oo shacabka magaalada Boosaaso oo isku dooban isku dayaan inay bad-baadsadaan doon caariday, taasoo timaaday waqti dhowr jeer nawaaxiga dekeddaas ay ku dageen doonyo hanti siday. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM